Dalkaagu waa daartaada
Dal(waddan)
waa oraah asalkeedu ahaa halka aad ku nooshahay .Si gaar ah meesha waqtigaaga
badankii aad ku qaadato sida hurdada ,cuntada ,nasiinada kale ,qaabilaadda
martida ,hoyaadka habeenkii iyo hargalka maalinti.Berigii hore cilmi bulsho
ahaan dadka waxay ka soo billaawdeeen qof kadibna qoys ,qabiil,qowmiyad,bulsho
iyo Qaran ilaa qaarad iyo caalam la yimid.Erey bixintu daganaansho mar walba waxaa sal u ahaa dal ama waddan
.Waddan waa erey af carabi ah oo micnihiisu yahay meesha aad ku nagaato ,ku
dhalatay ,u dhalatay iwm.
Qeexitaanka
siyaadadeed dal waa “qeyb dhul ah oo ay dagganyihiin dad gaar ah isla markaaana
leh hannaan kala dambeyn(dowlad) gaar ah .Hadda qeexitaankan waa waxa manta loo
yaqaan soohdimaha siyaaadeed oo dal kastaahi uu magic gooni ah iyo meel gooni
ah dunida kag a yaallo.
Dunidu
waxay manta ka koobantahy siyaasad ahaan 194 dal oo mid kastaahi uu ka magic
iyo maamul duwanyahay kan kale isku tiirsanaansho iyo iyo isku xirnaan iyo kala
xoog waynaansho ha jirto,balse dal kastaahi waxuu leeyahay dadkiisa magaca dal
ayayna qaataan markaas baa haybtoodu noqotaa hayb ku wayn dalka in kabadan haybti
reer ama qabiil ama asal .Tusalaae dalalka adduunydaa badankood waxaa la
sameeyey xilliyadii gumeysiga waxayna kakoobanyihiin qowmiyado kala af ah,kala
dhaqan ah kala diimo ah oo kala taariikh ah balse magic qura oo uu dalkoodu
yeeshay bay ku illaaween waxaa oo dhan taasaana keentay in magaca dal uu ka
xoog wayn yahay magaca qowmiyada dunida badankeed .Halbeegga waddaan ee horumarkuna
badanaa manta waxuu ku xiranyahay inta dadka dal ay xoogga saareen midnimadooda
ayna ku kasbadeen .
Dunida
waxay u aragtaa in dalku yahay nolosha lama taabtaaan ka ah ee qofka ,ila
dhaqaale ,ilaaliyaha qofka,asalka
qarannimo ee dal .Qarannimo ma jiri karto dal la’aantii .Dowladi ma jiri karto haddaan
dal jirin .Waddaniyad ma jiri karto haddaanu
muwaadinku jecleyn dalkiisa.
Dalalka
qaar dunida way baaxad waynyihiin sida Ruushka iyo Kanada kuwa kalena way
yaryihiin baaxad ahaan sida Faatikaan ka .Dalalka qaar way dad badanyihiin sida
shiinaha iyo Hindiya oo kale halka kuwa kale ay dad yaryihiin sida Jibuuti .Balse
awooddu ma han oo kaliya ma ahan waynaanta iyo dadbadnaansho balse hoggan
siyaasadeed oo aragti fog leh,daacad ah isla markaana aqoonkaashanaya yaa u
baddali karo dal mid magac leh .
Muhiimadda
siyaasadeed ee dalku u leeyahay dadkiisa :
Nidaam iyo kala dambeyn waxay
ka dhalataa doonis wada jir iyo houmar oo ay dakiisu qabaan .Awoodda
siyaasadeed ee dal waxay ku xirantahay hogganka siyaasadeeed ee ay doortaan sida
uu ugu adeego kana dhabeeyo ballantii uu qaaday xilligii ololaha doorashada.Waxay
sidoo kale ku xirantahay waxyiga iyo aqoonta dadka ,wadaniyaddooda ,isku
duubnidooda ,ka sarreeynta magaca dalka heybta qoowmiyada ama qabiiil .Dalka maamuus
waxuu yeeshaa markii khayraadkiisu looga faaiideeyo inuu saaxiibbo fara badan
ku yeesjo dunida kana muuqdo fagaaraha siyaasadda caalamiga lagu gorgeeeyo.Isla
markaaana warbaahinta dalka,goobaha waxbarashada ,aqoonyahanka ,axsaaabta
siyaasadeed mid kasta uu ku taageerayo hoggaankiisa hadba inta sumcadda dalka
sare uqaaday guul uu usoo hoyay.Dowladda waa qaybaha ugu muhiimsan ee dalka waa
mashiinka dhaqaajiya sare iyo gudo dalka waxa kujira una baddala saxara doog
iyo wabiyo .Dowladda waa tan Nabadda sugta cabsi la’aan ay muwaadiniinteeda ku
noolaadaan,Waa tan shaqo abuurta ,waa tan waxbarasho ,caafimaad,biyo ,koronto ,dalxiis,guryayn
,ilaalinta muwaadinka guda (amniga) iyo ka difaacista bannaanka (xoogga dal/militari)
.Dowladi waa isku hayaha muwaadiniinta is jecleysiiyaha dadka iyo si guud waa
waaalidka muwaaadinka . Dalka waa huga muwaadinka dhaxanta ka celiya waana
dharka astura oo hadduu dalkaaaga migicii ba’o waad qaawantahay cawradaadaadoo
lagu sheekaysan sida ina haysta .Tusaale ayan unoqonnay ereybixin kasta oo xun
oo siyaasadeed:Dal guurdaraystay,Gaajo,argagixiso,qax,dagaal,koontarabaaan,cudur,musuq
IWM.
Muhiimadda Dhaqaale ee dalka:
Dal kastaahi inta khayraadkiisu
uu ka faaiidayso ayay awooddisa dhaqaale la’egtahay .Dal kasta alle waxuu ku
manaystay khayraada .Balase waxaa loo baahanyahay in laga faa’iidaysto
khayraadkaas.Shaqo abuur ,Dhoofin,Maalgashi shisheeye,Hodantinnimo ,Dharag ,caafimaad
qab iyo hanti yeelasho intaa oo dhan waa muhiimada dhaqaale iyo faaiidooyinka
laga heli karo haddii dadka dal ay ka shaqaystaan dalkooda dowladdana ay qorshe
horumarin samayso cilmiga iyo waayo aragnimada kaaashanayso.Magac dhaqaale iyo
maamuus laga haybaystodalku waxuu yeeshaa dalka markuu dhaqaalihiisu meel
fiican gaaro dadkiisuna ay nolol fiican ku noolyihiin .Alle wuu kudiyaariyey dhulku
wax kasta oo nolosheenna ubaahantahas dadaaal waa ma huraan …Gaaywarrow”Shaqaystaa
shah cabee shaxaade miyuu dhargaa” Axmed
Naaji:”Inaan beer falanoo aan ku baahi baxnee”
…..Daleys”Muruqiinna maaloo ,dhulka miro ku beeroo macdanta dahabka
muujiya wanaaggaa.Awoodda dhaqaale ee dalka waxay yaraysaaa isku dhaca waxayna
badisaaa isjaceylka .Waxay sumcad uyeeshaaa muwaadinka dal iyo dibadba waayo
dal sabool ah qof ka yimid dawarsi umbaaa loo maleynayaa.
Muhiimadda bulso
Lahaanshaha iyo wada sheegasho
dal waxay xoojisaa midnimada dadyow si gaar ah kuwa kale dhaqanka iyo asalka
duwan .Waxay sare uqaadda horumarinta dhaqanka cusub eey dalkuyeshay ,waxay abuurtaaa
hab nololeed mideeya nolosha dalka wada leh.Waxay si dookale jacayl ka dhex
abuurtaa markay dibadda joogaaan.Waxay udhaqmaaan sida dad hal qoys wada ah
marka la shaqeynayo,marka dalka la difaacayo iyo waliba marka lagu tartamayo
fagaaraha caalamka waa wiil soomaaliyeed ayaa la leeyahay tusaale ahaan .Dalku
waa shey wayn ,qabiilkuna waa shey yar .Qof wax yar inuu doorta jecel ma jiro
maxaan qabiilka uga hormarinaa
qarinnimada ..doqonnimo.l
Dareenka dal jaceyl iyo waxuu
qofku dareemaaa si wayn kolkuu dibadda joogo balse ig qor oraahd.an”meel kstoo
soomaaliyey joogtid oo kabaxsan dalkaaga marti baa tahay ee martinnimada
maamuuskeeda iyo nagaanshaheeda bal dib u milicso oo maaankaaga rog rog”.
Muwaadin iyo Waddani
Muwaadinno waa udhalasho dal ama ku dhalasho ama
labadaba taasoo keenta qofka inuu xuquuq ku yeesho magiciisana uu ku abtirsado
heybshagashada casriga .Muwaadin waxaa noqon kara qof xun oo khaa’inu waddan ah
iyo qof wanaaagsan oo waddani .Waddaniyadda dhanka kale waa dareen jaceyl oo
dhab ah oo uu qofka uqabo dhulkiisa,dadkiisa iyo diintiisa .Waa dareen ku riixa
qofka inuu si daaacad ah ugu adeego dadkiisa .Muwaadin kastaahi ma ahan waddani
balse waddani kastaaahi waa muwaadin .
Gunaanad
Si kastaba dalkeennu waxuu
nooga dhiganyahay hibo eebbe nasiiyey uu nagu eeegayo sida aan u adeeegsanno, uga
faa’iidaysan lahayn ugana mahadcelin lahayn alle galladdiisaas balse kolkaan
alle ku caaasinna ciqaaabteeda ara gnay.Badda ugu dheer Afrika ,dad isku dhaqan
ah(af iyo diin),buuro aan kala xirin,Islam alle kawada dhigay .Meel qurux badan
ilaah ku uumay .Midnimo,waddaniyada iyo alle ka cabsi yuu dalkeennu ku hagaaagi
karaa Hoggaan daacad iyo aqoon isku darsaday na hormuud noo yahay .Haybteenna
ugu horreysa iyo tan ugu dambaysaba ha noqoto “Soomaali Muslim” wax ka
hooseeyana waa dib udhac iyo dagaalladii miyiga “Dalkeennu waa Soomaaliya
dadkiisuna waa Soomaali”Cabdi Tahliil waxuu yiri:
“Sareedo hadday ku waarto
hadduu silic iyo dhib gaaro
Sammaanteed iyo xummaanteed
Soomaaliya Soomaali baa leh”.
Qoraa: Axmed Maxamuud Jaamac
Somali Political academician
No comments:
Post a Comment